Ninkii shilka gaari Minnesota ku geliyay gabdhihii Soomaalida oo dembiyo kale lagu helay – BBC News Somali

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Dar Al Farooq Islamic Center

Xubnaha qoysaska ayaa oohin afka furtay xilli ay ku sugnaayeen maxkamada heer federaal oo ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kadib markii la shiday muuqaalka shil gaari oo ay sanad kahor ku dhinteen gabdhahooda.

Muuqaalka ayaa shalay laga shiday furitaanka maxkamadeynta darawal Derrick Thompson, oo gaari ku dhuftay gaariga ay wateen shan gabdhood oo Soomaali ah iyagoo marayay waddada Lake Street iyo 2nd Avenue 16-kii June.

Thompson, oo 28 jir ah, ayaa wajahaya saddex eedeyn oo heer federaal ah: heysashada daroogada fentanyl, hub, iyo inuu bistoolad heystay.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa muujinayay Thompson oo xawaare dheer gaari ku waday kuna dhacay gaariga gabdhaha oo ahaa nooca Honda Civic.

Maxkamadeynta heer federaal ee ka dhacday Maxkamadda Degmada Hennepin, oo ku bilaabatay xulashada xeerbeegtida oo dhacday Isniintii, ayaan diiradda saarin geerida gabdhaha, taas beddelkeed waxaa aad loo falanqeeyay eedeymaha kale ee ninkan loo heysto oo ah daroogada iyo hubka.

Thompson ayaa wajahaya eedeyn dil iyo isticmaalka daroogo, kuwaasoo lala xiriiriyay geerida gabdhaha.

Booliiska ayaa ilaa 2,000 oo kaniiniga fentanyl ah, 13 kaniiniga MDMA (ecstasy) ah, ilaa 35 garaam oo cocaine ah iyo bistoolad rasaas ka buxdo ka helay gaariga Thompson.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, NY Post

Qoraalka sawirka, Derrick Thompson

Garsooraha maxkamadda Jeffrey Bryan ayaa xeerbeegtida u sheegay inay dhegeysan doonaan eedeymaha shilka ku saabsan inta ay socoto maxkamadeynta, balse haatan shaqadoodu ay tahay go’aan ka gaarista saddex eedeyn oo heer federaal ah.

Thompson ayaa sanadkii hore maxkamad loo soo taagay shilka uu geliyay gabdhaha Soomaalida iyo inuu goobta ka cararay oo uu baxsaday. Waxaa lagula heshiiyay in haddii qeybo ka mid ah dembiyada uu qirto laga dhaafi doono qeybo kale.

Thompson ayaa heysta ilaa 4-ta November inuu mar kale kasoo muuqdo maxkamadda si uu u go’aansado inuu racfaan ka qaato eedeymaha. Haddii uu aqbalo heshiiska, wuxuu wajihi doonaa xabsi muddadiisu u dhaxeyso 32 iyo 38 sano. Haddii uu diidana mar kale ayaa maxkamad la keeni doomnaa February 28, 2025.

Qoyska gabdhahan ayaa rajeynaya inay caddaalad heli doonaan.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Gabdhahan oo shan ahaa ayaa xilli habeen ah 16-kii bishii June ee sanadkii hore isku raacay inay meel, kaddibna waxaa gaarigooda ku dhacay gaari xawaare sare ku socday, dhammaantoodna halkaas ayay ku wada geeriyoodeen.

Madaxa booliiska Minneapolis Brian O’Hara, ayaa sheegay in nin xawaare sare gaari ku kaxaynayay uu ku dhacay gaariga gabdhahan, kadibna uu isku dayay inuu baxsado balse la qabtay.

Booliiska ayaa xilligaas sheegay in in laga yaabo in darawalku uusan wax arkeynin xilligaas.

“Kuwani waxay ahaayeen shakhsiyaad mustaqbal ifaya lahaa,” ayuu yiri Agaasimaha Masjidka Dar Al Farooq, Khaalid Cumar, oo warbaahinta la hadlay.

“Waxaan ka hadleynaa dheymanka. Waxaan ka hadleynaa xiddigaha ifayay ee bulshadeenna.”

“Hore uma aynaan arag musiibo shan qof oo da’ yar oo sidna oo kale hal goob ku dhintay,” ayuu Khaalid intaa raaciyay.

Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, DAR AL FAROOQ CENTER

Sabiriina ayaa dhowaan ka qalin jebisay Iskuulka Edina High School waxayna qorsheyneysay inay ku biirto Jaamacadda Minnesota.

Sahra poo 20 jir ahayd, ayaa iyadana dhiganeysay Jaamacadda U of M Rochester.

Salma oo iyadana 20 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Kuleejka Normandale.

Sihaam oo 19 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Jaamacadda U of M.

Sagal oo 19 jir ahaydna waxay dhiganeysay Kuleejka Minneapolis.

Shantan gabdhood ayaa ahaa saaxiibbo aan kala harin waxayna isu diyaarinayeen arooska saaxiibbadood oo maalin kadib dhici lahaa.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhalay John Thompson ooh ore xildhibaan uga ahaa Minnesota. Isla markii lama qaban shilka kadib balse daqiiqado kadib ayaa la soo qabtay.

Waxaa la sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee Derrick uu ku lug yeesho shil gaari.

Bishii September 2018 ayuu k uku lug lahaa shil gaari, oo uu qof ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen kaasoo ka dhacay xaafadda Montecito, sida laga soo xigtay waaxda booliiska dembiyada ee MN CRIME. Wuu qirtay dembigaas waxaana lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah sanadkii 2020.

Balse lama oga in markan shilka uu dhacayay uu damaanad bannaanka ku joogay iyo in kale.

Related Posts

Next Post

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Add New Playlist